shabaabka deeyniile oo ku fara adeegay


Kn: Xarakada Alshabaab ayaa wali gacanta ku haysa Dayniile kadib dagaal faraha looga gubtay oo ka dhacay dagmadaasi.
Ciidamada AMISON iyo kuwa DKMG oo weerar saf balaaran ah ku qaaday shalay isla markaana madaafiic ku garaacay ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen xarumo muhiim ah oo ay kamid yihiin Isbitaalka, Garoonka iyo Hoygii Maxamed Qanyare, laakiin sheegashooyinkaasi waxaa hadur iyo hal kama jiraan ka dhigay suxufiyiin ay Xarakudu soo tustay goobaha ay AMISON sheegatay oo wali gacanta ay ku hayaan Alshabaab.
Waxaa la arkayay ciidamada Alshabaab oo gaaf wareegaya wadooyinka xaafadda Dayniile iyo waliba goobaha muhiimka ah, siiba Isbitaalka iyo garoonka diyaaradaha.
Afaafka hore ee Isbitaalkana waxaa saxaafadda kula hadlay uqaabilsanaha Xarakada Gobolka Banaadir, Sh. Maxamed kaasi oo sheegay inayna waxba ka jirin sheegashada waxa uu ku tilmaamay cadowga Alle, ee guud ahaanba degmada ay wali gacantooda ku jirto.
Dayniile oo ay ka sokeeyaan dhul hawd ah oo keymo jiq ah leh ayay adagtahay inay ciidamada Huwantu si sahlan uga fara-maroojiyaan Alshabaab, halka ay Alshabaab ku noqonayso dharbaaxadii ugu xumeyd ee goorahan soo marta hadii laga shamiyo degmadaasi istaraatiijiga ah.

Comments